Placeholder

Dagaal iyo hanjabaad dhinaca xiriir dhow

Dagaalka ka dhex dhaca dad xiriir dhow leh waa dembi, waa dhibaato bulsho, waa dhibaato caafimaad dadweyne iyo dhibaato dhinaca sinaanta ah. Taasi waxay raad ku yeelataa dhammaan dadka ku jira xaaladaas, qofka lagula kacay dagaal, carruurta iyo xitaa qofka samaynaya dagaalkan — laakiin waxaa jirta caawimaad la helo. Xafiiska adeegga arrimaha bulshada ee Kramfors waxaa waajib ku ah inay taageeraan dadka loo gaystay dhibaato dagaal oo dhinaca xiriiryada dhow ah.

  • Miyaa laguu gaystay dhibaato?
  • Miyaad dareemaysaa cabsi iyo in lagu hadiday?
  • Miyaad dareemaysaa in lagu kantaroolo ama lagaa xiray bulshada?
  • Miyaa lagu dilay?
  • Miyaa lagugu khasbay inaad samayso galmo?

Haddii aad qof qaraabo dhow ah aad ka cabsanayso, kuu hanjabay iyo/ama ku garaacay waxaa jirta taageero iyo caawimaad la helo. La xiriir qaybta qaabilaadda iyo xoghayn arrimo bulsho si aad u hesho warbixin ku saabsan nooca caawimaad ee aad heli karto. Waxaa jira hawlo kala duwan oo dhowr ah, laga soo bilaabo wada-hadal taageero, qorshe amaanka ee dhinaca hoy gabood ah. Codso caawimaad! Waxaa jira meelo kala duwan oo badan oo aad wici karto.

La xiriir qaybta qaabilaadda iyo xoghayn arrimo bulsho jooga Xafiiska arrimaha bulshada si aad u hesho warbixin ku saabsan nooca caawimaad ee aad heli karto. 0612-800 00 haddii ay tahay xaalad DEGDEG ah markaas booliiska ka wac 112 ama 11414

Boggaga kale ee muhiimka ah ee aad ka heli karto caawin:

Heeganka HBTQ External link.

Qaybta carruurta dhib soo gaartay lagu baaro ee Västernorrland External link.

Dembi ka dhacay gudaha dad xiriir dhow leh Booliiska External link.

Khadka telafoonka ee haweenka dhibaataysan External link.

Uppdaterad: Sidansvarig: Lena Björn

Xiriir

U kaalay adeegga macaamiisha
0612-800 00

Cinwaanka booqashada
Torggatan 2

Cinwaanka boosta
Degmada Kramfors
872 80 Kramfors

kommun@kramfors.se