Placeholder

Waayeelka

Hadafka daryeelka waayeelka ee degmada Kramfors waa in dadka waayeelka ah la siiyo fursad ah inay ku noolaadaan nolol amaan iyo madax-banaani leh ilaa iyo intii suurtagal ah. Tani micnaheedu waa in waayeelku ilaa xad intii suurtagal ah ay awoodaan inay ku sii noolaadaan gurigooda gaarka u ah kuna helaan taageerada iyo daryeelka ay u baahanyihiin.

Maamulka arrimaha bulshada – Hagidda waayeelka

Hagidda waayeelka ee laga helayo Maamulka arrimaha bulshada waxaad ka arki kartaa oo is barbar dhigi kartaa guryaha dadka waayeelka ah lagu hayo, meelaha wakhtiga kooban ee hoyga ah, adeegga qofka loogu yimaado gurigiisa iyo meelaha leh hawlo maalinle ah oo laga qaybqaato. Halkaas ayaad xitaa is barbardhigi kartaa hoy-yada kala duwan oo aad ka heli kartaa fikrad ah dhinaca hoy-yadaas.

Sidee ayaan u codsanayaa in la igu caawiyo guriga ama daryeel kale oo loogu talogalay dadka ah waayeelka?

Ka bilow in aad la xiriirto hawl-wadeen caawinta qaabilsan oo wac 0612-800 00 markaas iyaga ayaa samaynaya baaritaan ah nooca caawinta ee aad adigu heli karto.

Haddii aad rabtid inaad codsato si dhijitaal ah waxaad geli kartaa degmada Kramfors adeegeeda qofku keligii is dabaro External link..

Miyaad u baahantahay qalab caawin?

Ta badanaaba dhacda waa in qofka dadka ka caawiya dhaqdhaqaaqa iyo tababarka xubnaha jirka, kalkaaliye caafimaad dhinaca masaajada iyo duugniinka xubnaha jirka ama xaaladaha qaarkood kalkaalisada caafimaad ee degmada, ay tijaabo ahaan kuu qoraan qalab caawin ah. Qaar ka mid ah qalabka caawinta waxaa qora qaybta isbitaalka ee takhasuska leh.

OHaddii aad ku nooshahay guriga, iyadoo aan ku xirnayn da’da

Waa inaad ugu horeyn la xiriirto qofka dadka ka caawiya dhaqdhaqaaqa iyo tababarka xubnaha jirka, kalkaaliye caafimaad dhinaca masaajada iyo duugniinka xubnaha jirka ama kalkaalisada caafimaad ee degmada ee joogta rugtaada caafimaadka.
Macluumaadka xiriirka ee rugaha caafimaadka waxaad ka helaysaa hoos.

Hälsocentralen Kramfors External link.

Bruksgatan 12-14, Kramfors

Telefon 0612-860 42

Hälsocentralen Höga Kusten External link.

Vårdhemsvägen 2, Ullånger

Telefon 0613-71 11 01

Hälsocentralen Nyland External link.

Biskopsgatan 1, Nyland

Telefon 0612-77 15 35

Haddii aad ku nooshahay hoy gaar ah ama hoyga koox ahaan

Waxaad ugu horeyn la xiriiraysaa qofka dadka ka caawiya dhaqdhaqaaqa iyo tababarka xubnaha jirka, kalkaaliye caafimaad dhinaca masaajada iyo duugniinka xubnaha jirka ama kalkaaliye caafimaad oo ka shaqeeya dhinaca daryeelka bukaanka gurigooda jooga.

  • Aagga Höga Kusten
  • Aagga Kramfors
  • Aagga Bollsta, Nyland

Wixii su’aalo ah la xiriir Qaybta qalabka caawinta ee Västernorrland, adeegga macaamiisha 060-14 96 10 ama degmada xarunteeda telafoonka, ka fiiri halka ka hoosaysa Kontakt ee boggan.

Haddii aad u baahantahay qalabka caawinta aragga ama maqalka

La xiriir Maamulka gobolka Västernorrland, iyaga ayaa mas’uul a ah qalabka caawinta ee aragga iyo maqalka. xarunta telafoonka, 0611-800 00.

Haboonaysiinta guriga

Kaalmada haboonaysiinta guriga waa kaalmo degmo oo ku jiheysan adigaaga leh hoos u dhac awoodda laxaadka ah oo joogto ah ama wakhti dheer jiraysa.

Codsiga

Si degmadu ay u awooddo inay eegto haddii aad xaq u leedahay kaalmo waa inaad dhiibto foomka codsiga. Waxaad ka codsan kartaa dhinaca adeegga elaktarooniga ama External link. in aad buuxiso foom, ka eeg halka ka hooseysa Relaterade e-tjänster ee boggan.

Caddeyn

Codsiga waa inaad ku lifaaqdo caddeyn aad ka heshay qofka dadka ka caawiya dhaqdhaqaaqa iyo tababarka xubnaha jirka, takhasus dhinaca jirka, dhakhtar ama khabiir kale, taas oo muujinaysa in talaabooyinka loo codsanayo kaalmo ay lagama maarmaan u yihiin dhinaca hoos u dhaca awoodda laxaadka.

Qofka lagala xiriirayo haboonaysiinta guriga waa

Sanna Torsbrink

0612-800 48

kommun@kramfors.se

Uppdaterad: Sidansvarig: Lena Björn

Xiriir

U kaalay adeegga macaamiisha
0612-800 00

Cinwaanka booqashada
Torggatan 2

Cinwaanka boosta
Degmada Kramfors
872 80 Kramfors

kommun@kramfors.se