Placeholder

Ku cusub Iswiidhan

Si diiran ugu soo dhawow Iswiidhan iyo degmada Kramfors! Sababta iyo sidaad halkan u timidba, waxaanu si farxad leh kuugu soo dhawaynaynaa muwaadin ahaan iyo bani’aadam ahaanba.

Degmada Kramfors waxay haysaa adeegyada magaalo yar iyo dhul baadiye ah oo xiiso gelin leh. Halkan waxaad kala dooran kartaa inaad ku noolaato miyiga ama gudaha magaalada. Degmadu waxay ku taalaa goob fiican oo ah xeebta dhinaceeda lehna duur, buur, harooyin iyo bad. Waxaanu nahay qiyaastii 18 000 qof inta ku nool halkan oo adiguna imminka waxaad tahay mid naga mid ah.

Wax dheeraad ah ka baro Kramfors

In dal cusub la yimaado micnaheedu maaha oo keliya luqad cusub iyo dhaqan cusub. Waxay ku saabsantahay in la soo dhex galo bulshada oo laga mid ahaado.

Waxaanu sidaas darteed wadashaqeyn la leenahay Xafiiska Shaqada, Maamulka Gobolka, Hey’adda Socdaalka iyo hey’adaha dawladeed ee kale.

Maxaanu qabanaa annagu?

Degmada Kramfors waxey ku dadaaleysaa in dhammaan dadka cusub ee u soo guuray la siiyo fursado isku mid ah inay sal-dhigtaan goobtan cusub, bartaan af Iswiidhishka, keligood is masruufaan oo helaan degmada wax-qabadyadeeda iyo adeegyadeeda.

Waajibkayaga ugu muhiimsan ee dhinaca dadka ka soo guuray dal kale wuxuu ku saabsanyahay in:

  • La bixiyo talooyin waaqici ah xilliga soo degista
  • La maamulo iskoolada, hawlaha dugsiga xanaano, daryeelka carruurta iyo hawlaha kale ee loogu talogalay carruurta iyo dhalinyarada
  • Dadka waaweyn lagu casuumo waxbarashada af Iswiidhishka iyo waxbarashada kale ee dadka waaweyn
  • Lagu casuumo wacyi-gelinta macluumaadka bulsho
  • Lagu casuumo hawlaha dhinacayada bulsho
  • La hubiyo in hawlaha degmo iyo adeegyada kale ay helaan dadka dalka ku cusub

Uppdaterad: Sidansvarig: Lena Björn

Xiriir

U kaalay adeegga macaamiisha
0612-800 00

Cinwaanka booqashada
Torggatan 2

Cinwaanka boosta
Degmada Kramfors
872 80 Kramfors

kommun@kramfors.se