Placeholder

Shaqo iyo Waxbarasho

Marka adiga oo cusub aad timi Iswiidhan iyo degmadan waa inaad booqato
Xafiiska adeegga ee Kramfors External link., halkaas ayaad ka helaysaa caawin in aad hesho lambarka shakhsiga oo aad gasho diiwaan-gelinta dadweynaha ee degmadan. Marka qofku helo lambarka shakhsiga ayaa qofku iska diiwaan gelin karaa xafiiska shaqada iyo qasnadda caymiska. Qofku wuxuu helayaa warbixin iyo caawinta in la buuxiyo foomamka fasaxa waalidnimo, VAB (fasax lagu qaato ilmo xanuusanaya), gunnada bukaanka, kaalmada kirada guriga, caddeymaha dakhliga, wargelinta guuritaan, diiwaan-gelinta meher, eegidda caqibad xilliga codsi guur, dhalasho carruur iwm.
Haddii adiga ama carruurtaada ay xanuusanayaan maaha inaad tagto xafiiska laakiinse wargelinta gunnada bukaanka iyo VAB (fasax lagu qaato ilmo xanuusanaya) u samee si dhijitaal ah ama ka dib. Kaalmada carruurta waxaa si otomaatig ah la bixiyaa bisha ka dambeysa ka dib marka qofku galay diiwaan-gelinta dadweynaha ee helay lambarka shakhsiga.

Waxbarasho

Adiga ah qof weyn waxaad xaq u leedahay inaad barato af Iswiidhishka loogu talogalay ajnabiga, SFI, haddii aad ku jirto diiwaan-gelinta dadweynaha ee degmada Kramfors. Dheeraad ku saabsan arrintaas ka akhri waxbarashada dadka waaweyn boggeeda ku saabsan SFI.

Dhinaca carruurta iyo dhalinyarada waxaad halkan ka heli kartaa warbixin ku saabsan dugsiga xanaanada, dugsiga hoose-dhexe iyo dugsiga sare.

Haddii aad rabtid inaad codsato si dhijitaal ah waxaad geli kartaa degmada Kramfors adeegeeda qofku keligii is dabaro. External link.

Uppdaterad: Sidansvarig: Lena Björn

Xiriir

U kaalay adeegga macaamiisha
0612-800 00

Cinwaanka booqashada
Torggatan 2

Cinwaanka boosta
Degmada Kramfors
872 80 Kramfors

kommun@kramfors.se