Placeholder

Kaalmada dhaqaale

Ka hor inta aanad codsan kaalmo dhaqaale

Si aad u yeelato xaqa kaalmo dhaqaale waa inaad samayso wixii aad awooddo si aad uga gacan gaysato masruufkaaga. Haddii aad lamaane wada nooshihiin, xaas tahay ama lamaanae diiwaan-gashan waa inaad ugu horeyn is caawisaan dhaqaale ahaan. Haddii ay haysato lacag kuu taalo bangiga ama saamiyo/hanti raasamaal waa in aad ugu horeyn kuwaas u isticmaasho masruufkaaga. Haddii aad haysato xitaa hantiyo kale, tusaale ahaan doon, mooto, guri dalxiis waa in xitaa kuwaas aad iibiso.
Waa in aad xitaa codsato dhammaan kaalmooyinka aad fursad u haysato inaad hesho, tusaale ahaan kaalmada kirada guriga, lacagta hawl-gabka, gunnada bukaanka, gunnada fasax waalidnimo ama kaalmada masruufka carruurta ee uu bixiyo waalidka aan la noolayn carruurta. Waxaad la xiriiri kartaa Qasnadda Caymiska si aad u hesho warbixin dheeraad ah oo ku saabsan sida aad u codsanayso kaalmooyink kor lagu sheegay.

Waa xitaa aad:

  • Soo ogaato haddii aad xaq u leedahay lacagta shaqo la’aanta.
  • Muuji in aad si firfircoon shaqo u raadiso iyadoo aad ka diiwaan-gashanaato Xafiiska Shaqada ee ku yaal Kramfors. Waxa ay tahay in aad samayso ka hor inta aanad codsan kaalmo dhaqaale.
  • Raadso shaqo keligaa oo taas u soo cadee adeegga arrimaha bulshada.
  • Tus caddayn dhakhtar haddii aanad awoodin in aad gasho suuqa shaqada.
  • Haddii aad bixiso khidmad dhinaca tusaale ahaan xanaanada carruurta ama adeegga qofka lagu caawiyo gurigiisa waa in aad iyaga la xiriirto oo hubiso in khidmada lagaa qaadaa ay sax ku tahay dakhliga ku soo gala.
  • Adigaaga wax barta ama haysta shirkad gaar kuu ah xaalado dhif ah ayaad xaq u yeelan kartaa kaalmo dhaqaale.


Miyaad rabtaa inaad si dhijitaal ah u codsato?

En hand som håller i en mobiltelefon, en laptop i bakgrunden

Dhanka degmada Kramfors adeegeeda qofku is dabaro External link., waxaad ka helaysaa badankooda adeegyada ay degmadu bixiso. Halkan ayaad adigu shakhsi caadi ahaan ama shirkadlay ahaan kala soo xiriiri kartaa degmada oo uga fulin kartaa arrimahaaga maalintii iyo habeenkiiba adigoo aanad ku dabrayn wakhtiyada furitaanka ee degmada. Waxaad buuxinaysaa macluumaadka lagu waydiiyay oo arrintaada aad si toos ah noogu soo diraysaa dhanka bogga intarnatka. Wixii ah lifaaqyo waxaad raacin kartaa oo ku lifaaqaysaa arrintaas.

Uppdaterad: Sidansvarig: Lena Björn

Xiriir

U kaalay adeegga macaamiisha
0612-800 00

Cinwaanka booqashada
Torggatan 2

Cinwaanka boosta
Degmada Kramfors
872 80 Kramfors

kommun@kramfors.se